Xisbiga bidixda oo hogaan cusub doortay

Xisbiga bidixda ee (Vänsterpartiet) ayaa doortay gudoomiye cusub. Xisbiga ayaa u doortay ninka lagu magacaabo Jonas Sjöstedt in uu noqdo gudoomiyaha cusub kaasoo xilka kala wareegay hogaamiyihii hore ee caanka ahaa Lars Ohly.

Doorashada kala fadhiga xisbiga Vänsterpartiet oo maanta ka dhacday magaalada Göteborg ayaa lagu doortay Sjöstedt oo ku dhawaaqay in uu doonayo in uu guul weyn u soo hooyo xisbiga Vänsterpartiet oo ka mid ah xisbiyada ugu codka yar Sweden.

Xisbiga Vänsterpartiet ayaa ah xisbi aad u furfuran oo qaasatan aad ugu janjeera dhinaca bidixda iyaga oo si weyn uu dhaweeya soo galootiga balse sidoo kale taageero weyn siiya arimaha dumarka. Waxay kale oo ka soo horjeedaan ka mid ahaanshaha Sweden ay ka midtahay midowga Yurub. Dhinaca arimaha dibada ayaysan ogoleyn in Sweden ay faragalin ku samayso arimaha wadamada kale.

Xisbigaan ayaa la aasaasay sanadkii 1917 iyagoo ahaa garab ka go’ay xisbiga SocialDemokraterna. Bilowgii ayuu xisbigaan waxa uu ahaa xisbi u dooda arimaha hanti wadaaga shuuciyada iyagoo arintaas markii dambe dib uga noqday.

Posted on 11/01/2012, in Uncategorized. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: