Maxkamada midawga Yurub oo amartay in aan gariiga dadka lagu celin karin

Maxkamada Cadaalada ee Midowga Yurub ayaa go’aan cusub oo ay soo saartay ku amartay wadamada ku jira EUda in aysan ku celin karin dadka magangalyo doonka ah wadanka Greece ama wadamada kale ee aysan ka heli karin daryeel bani’aadanimo.

Arintaan ayaa ka dambeysay ka dib markii ay 6 qof oo ka soo jeeda Afghanista, Algeria iyo Iran iska dhiibeen wadamada Ireland iyo UK kuwaasoo dib ugu celiyay dadkaas wadanka Greece oo markii hore ay Yurub ka soo galeen.

Maxkamada ayaa amartay in aan dadka lagu celin karin Greece maadaama uusan wadankaas xakameyn karin isku socodka magangalyo doonka isla markaana aysan siin karin daryeel bani’aadanimo. Go’aanka maxkamada ayaa sharci ka dhigaya in qofka magangalyo doonka ah ee ka soo gala Greece kiiskiisa lagu baaro wadanka labaad ee uu iska dhiibo.

Iyadoo horay ay Sweden u joojisay in dadka lagu celiyo Greece ayay tani sharci rasmi ah ka dhigeysaa in qofka kiiskiisa lagu baaro halkaan. Sharcigaan ayaa qabanaya guud ahaan 27 wadan ee ku jira Midowga Yurub.

Posted on 27/12/2011, in Uncategorized. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: