Koronto La’aan ay Sababtay Duufaantii Dagmar

Habeennimadii salaasadu soo galeeysay ayey weli koronto la’aani haysatey kummanaan guri.
Nawaaxiga bartamaha Iswiidhen ayaa hoos loo dhigey guryaha koron-la’aantu asiibtey, iyadoose iminka ey kuwo hor lihi soo baxeen.
– Guryo badan ee korontadu ka maqan tahay ayaa ka soo baxay nawaaxiga Örebro. Mana garan karo inay koronto-la’aan la xiriirto iyo in kale, sida uu sheegay Torbjörn Larsson oo ka howl-gala laanta wararka ee shirkadda korontada ee E-on.

Qiyaastii 50 000 oo guri ayaa la qiyasayey iney koron-la’aani haysatey habeennimadii xalay oo salaasa soo galeeysay.

Kolka laga hadlayo nawaaxiga waqooyi ee dalkan weli waxaa koronto la’aan ku sugan kummannaan guri ee ka mid ah macaamiisha shirkadda E-on. Torbjörn Larsson ayaa sheegay inuu rajeenayo iney dhammaan guryahaasi helaan koronto ugu dambeeyn berito.

– Waxaannu u dirney shaqaale, qalab iyo laba helikopter oo sidii maanta oo salaasa ah howlahaa loo soo af-jari lahaa.

Posted on 27/12/2011, in Uncategorized. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: