Waxaa Hoos Loo Dhigayaa Qiimaha Telefoonnada Gacanta Waddammada ku Bahoobay Ururka Miodwga Yurub

Maanta ayaa la gaaray go’aa-siyaasadeed wada-jir ah ee saameeyey inuu raqiisay qiimihii telefoonnada gacanta ku hadalkooda iyo u isticmaalkooda inta u dhaxeeysa waddammada ku bahoobay ururka Miodwga Yurub.

Heshiiska ey gaareen xubnaha baarlamanka iyo hoggaamiyeyaasha waddammada ku bahoobey ururka EU-da ayaa looga gol leeyahay sidii looga hor-tegi lahaa is-hortaagga in tartan lagu galo baayacmushtarka suuqa telefoonnada gacanta. Qaasatan in dhowaantan ay suurtagal noqoto in muwaadinka waddammadaa mid ka mid ah ka taga ee taga waddan kale uu lambarka telefoonkiisa haysan karo , hase yeeshee qandaraas kala ee ka jaban ka geli karo waddanka uu markaa ku sugan yahay ee xubinta ka ah EU-da.

Laga bilaabo koowda bisha luulyo ee sannadkan ayaa waddammada EU-da laga jabin doonaa cashuurta dahsoon ee isticmaalka telefoonnada gacanta. Islamarkaana sicirkana si tartiib tariib ah uu u dhici doono illaa inta laga gaarayo xilliga kuleeylaha ee sannadka 2014.

Markaasina oo uu qiimaha ugu sarreeya ee daqiiqaddii noqon doono 19 sent ee lacagta euro-oga, una dhiganta 1,70 ee koronka iswiidhishka.

Isticmaalka telefoonka gacanta ee aaladda internetka ayaa sidoo kale hoos loo dhigi doonaa 70% inta ka horreeysa kowda bisha luulyo ee sannadka 2014. Iyo in aannu megabaaytkii ka badan 20 sent ee lacagta euro-oga. Sidoo kale waxaa la raqiisin doonaa qiimaha farriimmaha telefoonnada gacanta la isugu diro ee SMS-ta ee waddammada EU-da, sida go’aanka maanta la gaarey ku cad.

Heshiiskan ayaa noqon doonaa mid ey marka hore ansixiyaan golaha baarlamanka ee EU-da iyo madaxda waddammada ku bahoobay EU-da.

Isha: ekot

Nin in kabadan 2-bilood baraf ugu xayirnaa baabuurkiisa magalada Umeå

Nin ayaa laga soo saaray babuurkiisii oo uu ku xayirnaa mudo 2 bilood ah agagaarka magaalada Umeå ee waqooyiga Sweden.

Ninkaan ayaa la sheegay in uu 2 bilood ku xayirnaa barafka oo uu ku dhexjiray baabuurka. Sida uu ku badbaaday ninkaan oo 2 bilood aan ka bixin baabuurkiisa isla markaana aan haysan wax cunto ah ayaa lala yaabay balse waxaa la sheegay in uu sabab u yahay barafka.

Baabuurka oo uu daboolay baraf ayaa waxaa soo helay labo nin oo daawasho u tagay barafka iyadoo isla markiiba ay yimaadeen booliska oo loo cararay hospitaal ku yaala magaalada Umeå. Ma uusan hali karin xitaa ninkaan markii loo yimid.

Sababta uu ninkaan ugu xayirmay barafka iyo waxa uu ka qabanayay agagaarka Umeå isaga oo degan koonfurta Sweden ayaan wali la ogeyn.

Sidee Ku Kasban Kartaa dadka kale niyadooda.

Barnaamijkaan waaa mid aan ugu tala galnaya in aan wax badaan kaag hadalno Arimaha dhalinyara Qasataan Dhanka hasawaha Ama Sida loo Abooro Saaxib Ama Jaceyl Sidaa daradeed Anakoo soo aroorinaay Sidii Aad ku kasban laheed saaxiib wnaagsan ama jaceylkaag si aad qof uga dhaa dhacsiiyo sida aad ugu tahay dacad ama qalbigaag uu yaha Mid nadifaaa
ulimada ku takhasustay cilmiga bulshadu wexey yiraahdaan, horumarka qofku uu noloshiisa ka gaaro waxaa asal u ahay boqolkiiba 85% qaab la dhaqanka iyo xiriirka uu la leeyahay dadka iyo bulshada halka boqolkiiba 15% ay tahay xirfaddaha/aqoonta cilmiyeed ee uu leeyahay wexey doonto ahaatee. Sidaa daraadeed ayaanu waxaan arrintaan ka diyaarinay maqaal. Xikmadda ku jirta maqaalkana waxaa laga soo ururiyey buug uu qoray Dale Carnegie 1936 marar dambena dib loo daabacay.

Fiiro gaar ah: Akhristoow ha fududaanin oo markii aad aragtid magaca qoraaga ha oranin fikir gaalo ayuu noo keenay. Ogaadana wax walba oo wanaagsan, diinteenana waafaqsan meesheey doonaanba haka yimaadeene waanu qaadaneynaa. Wixii xun oo aan diinteena waafaqsanayn meesheey doonaan haka yimaadeene waanu ka tegeynaa.
Haddaba su’aashu wexey tahay maxaa nagu xambaaray inaan mowduucan siino ahmiyadda weyn ee intaa le’eg. Jawaabtu wexey tahay akhristoow qofba qofkuu ka saaxiibo badan yahay, bulshada uu la nool yahayna saameyn weyn ku yeelan karo, ayaa sidoo kale qofkaasi firkirkiisa amase mabda,a uu aaminsan yahay uu ka gadi karaa bulshada uu la nool yahay.
Hadaba akhristoow qoraagu wuxuu buugiisa ku soo bandhigay farsamooyin iyo xeelado fudud oo aanu ku kasban karno saaxiibo badan oo wanwanaagsan, sidoo kalena bulshada aanu la nool nahay saameyn weyn ugu yeelan karno.

Xeeladahii ama farsamooyinkii waa kuwan soo socda ee la soco:
6 siyaabood oo aad ku kasban kartid kalsoonida iyo jacaylka dadka.

1. Tus si dhab ahna u muuji inaad tixgelin gaar ah u hayso dadka
2. Dadka u waji furnoow, una dhoola caddee
3. Dadkana ugu yeer magacyada wanwanaagsan ee ay ugu jecelyihiin in loogu yeero
4. Noqo dhegeyste fiican, dadkana ku dhiiri geli iney fikirkooda dhiibtaan.
5. Ka hadal wixii qofka aad la hadleyso jecelyahay, qalbigiisana farxad gelinaya
6. Si dhab ah u dareensii qofka aad la hadleyso, inaad ahmiyad weynu hayso waxa uu ka hadlayo.
12 siyaabood oo aad fikirkaaga dadka uga dhaadicin kartid.
1. Iska ilaali dooda ah rag iska dhici, kana fogoow muranka.
2. Ixtiraam fikirka qofka kale, weligaana si toos ah, ha ugu oranin waad khaldan tahay.
3. Haddii aad khaldan tahay, si degdeg ah khaladkaaga u qiro, tusna inaad ka xun tahay khaladka kaa dhacay.
4. Weligaana adeegso wanaaga, dhimrinta iyo turidda. Kana fogoow ad adeyga iyo qalfsanaanta.
5. Weydii marka ugu horeysa qofka aad la hadleyso, su’aal ay jawaabteedu noqoneyso haa. Taaso ah macnaheedu yahay dareensiin, la dareensiinayo qofka lala hadlayo in wax la wadaago.
6. Isku day una ogoloow in qofka kula hadlayaa uu wax badan hadlo.
7. U ogoloow qofka aad la hadleyso inuu fikirkiisa iyo aragtidiisa soo bandhigo.
8. Isku day inaad si daacad ah u fahanto qofka kale aragtidiisa iyo dareenkiisa.
9. Isku day inaad la tacaadufto qofka kale aragtidiisa iyo dareenkiisa.
10. Gudbinta aragtidaada u adeegso, xikmad, dhaqan suuban, talo iyo tusaalayn.
11. Aragtidaada u soo bandhig qaab caqli gal oo ku salaysan waaqaca jira.
12. Iskana illaali adiga iyo qofka aad la hadleyso inuu idin dhexmaro wax baratan ah.
Waxaan dhammaan akhristayaasha qiimaha iyo qaayaha leh ogeysiineynaa iney jiraan culumo badan oo muslimiin ah oo ku takhasustay cilmiga bulshada buugaag badana ka qoraty. Culumadeena sheekha ugu caansan ee wax ka qoray kasbashada quluubta banii,aadamka iyo xiriirka bulshada waxaan jeclahay inuu yahay sheikh Ibn al qayyim Al jawziyah Allaha u naxariistee. Waxaanu soo jeedineynaa in bulshada loo soo bandhigo maqaalo koobkooban oo laga soo diyaariyo kutubta noocaas oo kale ah si bulshadu loogu wacyi geliyo qiimaha iyo doorka ay leeyahay kasbashada quluubta ban,iiaadamku iyo saameynta bulshadu.
Hadaba Qoraalkaan Lama qadan Karo ilaa Qoraaga Adan Kuxuseenin Ama Adan ka amarqaadan

Wariye:- Yusuf Garaad Moallim
Email:kacaanka@kacaanka.com

Ivory Coast Oo U Soo Gudubtay Wareega 8da Koobka Qaramada Afrika, Iyo Burkino Faso Oo Hartay.

Xulka Ivory Coast ayaa xaqiiqsaday booska wareega 8da ee Koobka qaramada Afrika ka dib markii ay labo gool iyo waxba kaga soo gudbeen xulka Burkino Faso kulan ka tirsanaa Group B.

Salomon Kalou ayaa hogaanka u dhiibay Ivory Coast daqiiqadii 16aad ee ciyaarta ka dib markii uu shabaqa ku hubsaday karoos ka yimid Didier Dorgba.

Gool uu iska dhaliyay Bakary Kone ayaana u xaqiijiyay Ivory Coast inay u soo baxdo wareega xiga waxaana tartankan isaga hartay xulka Burkino Faso oo guuldaradii labaad ee wareega Groupyada ay soo gaartay.

Didier Zokora ayaa ku soo laabtay xulka Ivory Coast ka dib markii kulankii hore uu ku seegay ganaax. Waxaana weerarka Ivory Coast ka wada ciyaarayay Drogba, Kalou iyo Gervinho.

Kulanka kale ee Group B waxa uu dhexmaray xulalka Angola iyo Sudan, waxaana ay ku kala baxeen barbaro 2-2 ah.

Ivory Coast oo Groupkaan B haatan banaanka ka taala ayaa leh 6 dhibcood, waxana ku soo xigta Angola oo ciyarta xigta la ciyaari doonta Ivory Coast oo leh 4 dhibcood, Sudan oo rajo yar leh ayaa leh 1 dhibic halka Burkino Faso aysan wax dhibic ah laheyn.

Maanta waxaa la ciyaarayaa kulamada labaad ee Group C:

Niger vs Tunisia

Gabon vs Morocco

Maxaa Kajira In Carlos Tevez Uu Wajiga Xanjo uga Tufay David Silva ,Muxuusa Silva Ka Aamin-sanyahay Carlos Tevez


Xiddiga u ciyaara kooxda man-city iyo qaranka reer spain david josue jimenez silva ayaa wareysi xiisa badan siiyay Tv-ga caanka ah ee ETB-SAT ee laga leeyahay dalka spain ayaa waxa uu bahdilay weerar-yaanka qaranka arjantiin iyo kooxda manchester city carlos alberto tevez

wareysigan laga qaaday xiddiga david silva ayaa aad u dheeraa waxaase ugu xiisa badan ama ugu mihiimsan mar laweydiiyay silva waxa ka jira in carlos tavez labo bil ka hor xanjo uu ruugayay wajiga kaga tufay laacib devid

hayeeshee ciyaar-yahan david josue silva oo ficilkaasi foosha xun qirtay ayaa yiri “waa sax weey jirtaa arinkaas laakiin inaan hadda ka hadlo ma doonayo maxaa yeelay waxaa arintan si deg deg ah ku xaliyay maamulka man city”

sidoo kale xilligii uu carlos tevez xanjada uu ruugayay wajiga kaga tufay david silva waxaana uu ku eedeeyay inuu silva ma’suul ka ahaa amaba uu ku diray inta badan laacibiinta kooxda man city oo hadalkii ka goostay weeraryaan carlos alberto tevez

ciyaaryahan david silva oo mar kale ka jawaabay su’aashaas kulul maadaama lagu eedeeyay inuu qoorta isku giliyay ciyaar-tooyda man city iyo weerar-yahan carlos tevez waxaana uu yiri isaga oo qoslaaya “dhibka heysta carlos ma ahan mid yar maxaayeelay labadii isla-hadashaa waxa uu leeyahay aniga ayeey i xamanayaan waana cuqdad nafsi haya isaga jinni iyo cudur noocaas ah in taan ciyaaraha k/cagta ku soo dhex-jiray waligey ma arkin”

hayeeshee laacibkii hore ee kooxda valencia ayaa sheegay in uusan garaneyn waxa uu ku til-maamo carlos alberto tevez kaas oo hadda ka maqan kooxdiisa

Wariye:- YUSUF GARAAD MOALLIM

Macalimiinta oo loo fasaxay in ay mamnuuci karaan Niqaabka

Hay’ada maamusha iskuulada (Skolverket) ayaa soo saartay go’aan u fasaxaya macalimiinta in ay iskuulka ka mamnuucaan ardada xiran niqaabka wajiga daboolaya ee ay xirtaan qaar ka mid ah gabdhaha Muslimiinta.

Arintaan ayaa ka dambeysay ka dib markii sanadkii 2009 ay labo gabdood dacwad ka gudbiyeen iskuul ku yaala xaafada Spånga ee Stockholm kuwaasoo loo diiday in ay iskuulka dhigtaan ka dibna Xeer ilaaliyaha cunsuriyada (DO) uu xukmiyay in gabdhahaas la cunsuriyeeyay. Waqtigaas ka dib ayaa Skolverket waxay bilaabeen in ay dib u eegeeyaan sharciga u yaala ee ku saabsan Niqaabka.

Xukunka cusub ayaa macalimiinta siinaya awooda ay ku go’aaminayaan in ardaygu niqaab xiran karo iyo in kale. Si kastaba ahaatee, macalimiinta ayaan awood u yeelan doonin in ay guud ahaan ardayga ka mamnuucaan iskuulka balse waxay sameyn karaan oo keliya in ay ka mamnuucaan fasalkooda.

Wasiirka waxbarashada Sweden Jan Björklund ayaa soo dhaweeyay go’aanka cusub isagoo sheegay in iskuulku uu yahay meel dadku ku wada xiriiraan oo wax la kala faaideysto isla markaana haddii ardaygu wajiga daboosho uusan ka qeyb qaadan karin xiriirka.

Hayada Skolverket ayaa sheegtay in ay muhiimtahay in la xushmeeyo xaqa ardadu ay u leeyihiin iskuulka sidaa darteedna aysan macalimiintu si fudud u isticmaali doonin sharcigaan. Sharciga cusub ayaa qaban doona goobaha waxbarashada dadka waaweyn iyo dugsiyada sare.

Xukuumadda Netherlands oo sheegtay inay dalkeeda ka mamnuucayso Jaadka oo ay Soomaali badan cunaan

Xukuumadda Holland ayaa sheegtay inay joojin doonto qaadka la geeyo dalkeeda, kaasoo ay cunaan 10% bulshada Soomaalida ah ee ku nool dalkaas oo tiradooda lagu sheego 25,000 oo qof.

Qaadka ayaa lagu sheegay inuu yahay maado daroogo ah, inkastoo dalkaas uu u furnaa in la geeyo, waxaana tani ay saameyn weyn ku yeelan kartaa Soomaali badan oo jaadka cuna, kuwaasoo ku nool Netherlands.

Dalka Holland ayaa wuxuu noqday marinka loo sii mariyo jaadka dalal badan oo Yurub ku yaalla, iyadoo dalkaas uu afar jeer todobaadkii laga dajiyo garoonka diyaaradaha ee Amestrdam, kaasoo ka taga dalalka bariga Afrika.

“Anigu qayb weyn ayaan ku leeyahay joojinta jaadka, waayo waa khatar muuqata, gaar ahaan wuxuu dhibaato ku yahay bulshada Soomaaliyeed,” ayuu wasiirka socdaalka Holland, Gerd Leers ku sheegay wareysi uu siiyay Radio Netherlands.

Wasiirku wuxuu sheegay in 10% bulshada Soomaailyeed ee ku nool Netherlands inuu saameyn xooggan ku yeeshay jaadka oo uu ku sheegay inuu yahay maaddo daroogo ah.

“Soomaalida cunta qaadka ma ahan kuwo mas’uul ka noqon kara naftooda iyo qoysaskooda,” ayuu hadalkiisa ku daray. Iyadoo go’aankan uu noqnayo kii ugu horreeyay oo ay dowladda Holland ka qaadato jaadka oo muddo dheer dalkeeda si caadi ah loo geyn jiray.

Sidoo kale, tiro yar oo u dhashay dalka Netherlands ayaa iyaguna qaadka cuna, kuwaasoo xiriir dhow la leh Soomaalida, Itoobiyaanka, Kenyana ama Yemeniyiinta dalkaas ku nool.

Qiimeyn la sameeyay ayaa sheegaysa in sannadkii lasoo dhaafay oo keliya 18-milyan oo doollar ay ku baxday jaadka la geeyo dalka Holland. Iyadoo dalal ku yaalla Yurub sida Ingiriiska oo ay Soomaali badan daggan yihiin uu qaadku ka yahay mid si caadi ah loo geeyo.

Wariye:- Yusuf Garaad Moallim

UK: Dad fara badan oo diinta islaamka soo galay

Cilmi baaris laga sameeyay dalkaasi Ingiriiska ayaa lagu soo bandhigay in tirada dadka diinta Islaamka soo galay ay aad u sareyso. Cilmi baarista ayaa lagu sheegay in ilaa 100,000 oo qof la aamisanyahay in Muslim noqdeen 10-kii sano ee la soo dhaafay.

Baaritaanka oo uu sameeyay urur lagu magacaabo Faith Matters ayaa lagu sheegay in ay adagtahay in la ogaado tirada dhabta ah ee dadka diinta Islaamka qaatay maadama afti ururinta laga sameeyo Ingiriiska aan lagu darin qofka diintiisa.

Si kastaba haa ahaatee, ururka ayaa sheegay in qiyaastooda ay tahay in sanadkasta ay diinta Islaamka qaataan ilaa 5000 oo qof iyadoo sanadkii 2001 ay ingiriiska ku noolaayeen dad gaaraya 61,000 oo Muslim noqday.

Cilmi baarista ayaa sidoo kale waxay aad ugu dhowdahay tirada laga soo wariyay dalalka Faransiiska iyo Jermalka oo la sheegay in sanadkasta ay diinta Islaamka soo galaan dad gaaaraya 4,000 qof wadankasta.

Qubarada sameeyay cilmi baarista ayaa sheegay in sababta ka dambeysa in dadka faraha badan ay diinta Islaamka qaataan ay tahay maadaama Islaamka aad looga hadalhayo warbaahinta reer galbeedka taasoo dhalisay xiiso gaar ah. Dadka ayaa bilaaba in ay raadiyaan macluumaad ku saabsan Islaamka taasoo dhalisa in qaar badan ay la dhacaan Islaamka.

Tirada magangalyo doonka oo kala bar hoos u dhacday

Sweden ayaa degenaansho siisay dad gaaraya 93000 oo qof sanadkii la soo dhaafay balse tirada magangalyo doonka ayaa la sheegay in ay kala bar hoos u dhacday sanadihii la soo dhaafay.

Waxaa aad sare ugu kacay dadka Sweden ku yimaada shaqada ee ka yimaada wadamada nabadu ka jirto iyadoo qaxootigu aad hoos ugu dhacay. Sanadkii 2011 ayaa waxaa qaxootinimo sharciga lagu siiyay 13,000 oo keliya taasoo ka dhigaysa tiradaas midii ugu yareyd ilaa sanadkii 2007.

Dadka ugu badan ayaa ka yimid dalka Afghanistaan iyadoo dhinaca kale magangalyo doonka Soomaalidu uu ilaa kala bar hoos ugu dhacay. Arintaas ayaa ka dambeysa ka dib markii Sweden ay joojisay mideynta reeraha Soomaalida sanadkii 2010. Si kastaba ha ahaatee, dadka ku yimaada mideynta reeraha ee ka yimid wadamada kale ayaa ahaa kuwa ugu badan ee Sweden deganaanshaha ka helay sanadkii hore.

Dhinaca kale waxaa aad u kordhay dadka ku yimaada shaqada sida shaqaalaha nadaafada, kombutarada ee ka yimaada wadamada aasiya sida

Kamuunka Katrineholm oo ka cabanaya qarashka ku baxaya mideynta reeraha Soomaalida

Maamulka Kamuunka Katrineholm ayaa cabasho ka muujiyay tirada Soomaalida la filayo in ay yimaadaan magaaladaasi ka dib marka la furo mideynta reeraha Soomaalida bisha July ee nagu so aadan.

Gudoomiyaha degmada ayaa sheegay in ay markii hore isku diyaarinayeen 300 qof balse hada la filayo in ay yimaadaan 400 qof. Kamuunka ayaa sheegay in aysan u hayn lacag ku filan oo lagu soo dhaweeyo dadkaas. Gudoomiyaha ayaa sheegay in Soomaalida inta badan aysan wax qorin oo ay u baahanyihiin taageero dheeraad ah.

Kamuunka ayaa sheegay in hada ay magaalada ka jirto shaqo la’aan saa’id ah oo dad badan ay ku xiranyihiin cayrta isla markaana ay doonayaan dad magaalada wax ku soo kordhinaya, sida dad canshuuraha bixinaya.

Dowlada ayaa horay ugu qorshaysay lacag gaaraysa 850 Milyan oo karoon in lagu bixiyo soo dhaweynta Soomaalida cusub ee la filayo ka dib July 2012.

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.